Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilka uu dhalay M/weyne Museveniga Uganda oo si layaab leh uga hadlay Duullaanka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiilka uu dhalay M/weyne Museveniga Uganda oo si layaab leh uga hadlay Duullaanka Ukraine

Muhoozi Kainerugaba
Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, waxaa dhalay Madaxweyne Museveni

Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.

Waxa uu soo qaatay xasadii caalamka haraysay 1962 ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

“Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?” ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.

The majority of mankind (that are non-white) support Russia's stand in Ukraine.Putin is absolutely right! When the USSR parked nuclear armed missiles in Cuba in 1962 the West was ready to blow up the world over it. Now when NATO does the same they expect Russia to do differently?

— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) February 28, 2022

Jenaraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyay inuu xilka kala wareego aabihii Museveni oo 77 jir ah, Uganda na hogaaminayay tan iyo sanadkii 1986.

47 jirkan hogaamiya ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u taageera duullaanka uu Ruushka ka wado Ukraine.

Taliye Kainerugaba ayaa horay uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay colaadda Itoobiya, isagoo xilligaas taageero u muujiyay fallaagada TPLF oo uu ku tilmaamay “walaalihii.

Our great Tigrayan brothers and sisters cannot be defeated. They have an unconquerable spirit! #JohnHaftu in Tigray Defence Forces (TDF) song 2021 https://t.co/uuWhUAxbMG via @YouTube

— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) November 6, 2021

Colaadda Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka

Fagaaraha xorriyadda ee ku yaalla barmaha magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa waxaa ku dhacay gantaallo uu Ruushka riday, waxaana ka dhashay qarax xooggan.

Kharkiv waxaa ku nool 1.4 milyan oo qof, waxaana ay caan ku tahay shirkadaha tiknoolajiyadda.

Gantaallada ayaa intooda badan ku dhacay xarumaha dowladda ee magaaladaas.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday Kharkiv fal ay fulisay “dowlad argagixiso ah”.

Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu qaaday weerarro “arxan darro ah oo aan kala sooc lahayn”.

Kolonyo gawaari tiro badan oo uu Ruushka leeyahay ayaa la arkay iyagoo ku sii durqaya caasimadda Kyiv.

Ugu yaraan 70 askari oo Ukraine u dhashay ayaa lagu dilay duqeymo loo adeegsaday madaafiicda goobta oo uu Ruushka ku qaaday Magaalada ku taalla waqooyi bari dalkaas ee Okhtyrka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this