Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
7.jpg?resize=960%2C658&ssl=1

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Garoowe ka daah-furay wejiga labaad ee shirka nabadaynta Beelihii dirirtu ku dhex martay degaanka Saax-meygaag iyo Senge-jebiye

Shirkaan oo ah wajigii labaad ee beelaha u furma, waxaa madasha beelahaas ku saxiixeen ogolaanshaha gardhiibashada guddiga dhexdhexaadinta oo iyagana madasha lagu dhaariyay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka guul u rajeeyay iyo inuu horseedo nabad iyo barwaaqo.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan ee arintan ku hawlan, isla markaana ay juhdi gelinayso sidii nabad waarta loo helilahaa.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddiyada labada dhinac kula dar-daarmay inay masuuliyad iska saaran nabadaynta beelaha walaalaha ah.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey Isimada dhaqanka , guddiga dhex dhexaadinta iyo guddiyada horumarka ay ka sameeyeen xal uhelidda shaqaaqadii dhacday.

9.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 8.jpg?resize=960%2C702&ssl=1 7.jpg?resize=960%2C658&ssl=1 6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 4.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 3-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 2-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this