Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Muuse Biixi oo Kormeer ku yimi Goobo ku yaalla Badhtamaha Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
M/weyne Muuse Biixi oo Kormeer ku yimi Goobo ku yaalla Badhtamaha Hargeysa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore kormeeray dhismaha xarunta lagu keydin-doono keydka taariikhda qaranka iyo casriyeynta taaladda diyaarada Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi warbiximo kaga dhegeystay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo isagu gacanta ku haya dhismaayaasha Xarumahaasi.
Dhismeyaashan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wakhtigan ku dhaw Gebegebo, waxaanu madaxweynuhu masuuliyiinta iyo shirkadaha gacanta ku haya faray inay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan wixii ka dhiman iyagoo dhawraya wakhtiga.
274368344_508893720596870_20982677213074
274479226_508893603930215_14177203495748
274953719_508893703930205_15830197712081
274365660_508893633930212_23346894748761
274681134_508893890596853_13189982181939

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this