Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu isu casilay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
20220301_115120.jpg?resize=679%2C392&ssl

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa maanta iska casilay xilkii uu guddiga ka hayay.

Caynaanshe ayaa qoraal uu diray xafiisyada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland ku sheegay in uu isu casilay arrimo gaar u ah.

Sida ay ogaatay Puntland Post Caynaanshe ayaa raadinaya kursi Hop#222 ee Galah Shacabka, oo horay loogu saadaalinayay Cabdirisaaq Cismaan Juurile.

Isinka beel weynta Dishiishe Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa xalay kursiga Hop#222 u asteeyay beesha uu ka soo jeediyo Caynaanshe.

Caynaanshe ayaa taageero ka haysta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saameynta ugu weyn ku leh doorahada Golaha Shacabka.

FB_IMG_16461231143327689.jpg?resize=611%

PUNTLAND POST

The post Muxuu isu casilay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this