Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ukraine Ciidamadda Ruushka Oo Ku Sii Dhawaanaya Caasimadda Kyiv

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kyiv)-Waxaa maalinkii shanaad ka socda dalka Ukrain dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.

Waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​75% ciidamada Ruushka ee la isugu keenay xudduudaha Ukraine ay hadda ku sugan yihiin gudaha dalka.

Ciidamada ugu badan ayaa hadda ku sugan meel 25 km u jirta caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Askartu weli ma qabsan laba magaalo oo muhiim ah oo ka ah Kharkiv oo ku taalla waqooyi-bari iyo Mariupol oo ku taalla Koonfurta.

Ugu yaraan 70 askari ayaa lagu dilay duqeynta Ruushka, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ukraine.

Wararka ayaa sheegaya in xarunta gobolka Kherson ay hadda ku hareereysan yihiin ciidamo Ruush ah, iyadoo la sheegayo in askar iyo qalab millateri ay ka jiraan “dhinac walba”

Ciidammada Ruushka ayaa si tartiib tartiib ah ugu sii dhawaanaya Kyiv, iyadoo sawirada dayax-gacmeedka ay muujinayaan kolonyo gaashaaman oo dhererkeedu dhan yahay ilaa 40 mayl (65km).

Tobaneeyo qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gantaallada Ruushka uu ku garaacay magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-13

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this