Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirweynaha degaanka Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpg?resize=720%2C446&ssl=1

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdixakiin Xasan Ashkir, Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, agaasimaha degaanka iyo isbeddelka cimillada iyo xubno kale kale ayaa ka qayb galay shir weynaha degaanka ee Qaramada Midoobay ee UNEA 5 oo ka furmay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Qoraal ay dowladdu kasoo saartay shirka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xoojineyso heshiiska waddamada caalamka ay shirkan kasoo saarayaan ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa adeegsiga bacaha iyo balaastigga oo dhib weyn ku haya bed qabka degaanka.

Shirkan ayaa inta uu socdo ayaa waxay wefdigu kulamo doceedyo la yeelan doonaan hay’adaha caalamiga iyo waddamada taageera arrimaha deegaanka, si loola tacaalo waxkaqabka isbeddelka cimillada iyo aafooyinka deegaanka ku dhaca.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirweynaha degaanka Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this