Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Khadka Talefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhulleed ee labada dowladood.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta,  ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliya ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yidhi “waxaan maanta taleefonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi. Xidhiidhkeena taariikhiga ah waxaa lagu dhisay ixtiraamka qarannimo, sharafta dhuleed, iyo madax-banaanida siyaasadeed ee labada dhinac.”

Cabdisaciid ayaa sheegay in isaga iyo Mr. Wang Yi ay isku raaceen inay si wadajir ah uga hortagayaan dhinacyada carqaladeynaya xidhiidhka labada dal.

“Waxaa intaas dheer oo aan dib u xaqiijinay inaan si wadajir ah uga shaqeyn doono xoojinta iskaashigeena dhinacyada badan ee ay taageerayaan mabaadi’dan iyo inaan si wadajir uga hortagno dhinacyada waxyeeleynaya, si aan isugu sii milno xidhiidhkeena.”

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-14

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this