Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Ukraine

.
.

Waxaa maalinkii shanaad ka socda dalka Ukrain dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.

Waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​75% ciidamada Ruushka ee la isugu keenay xudduudaha Ukraine ay hadda ku sugan yihiin gudaha dalka.

Ciidamada ugu badan ayaa hadda ku sugan meel 25 km u jirta caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Askartu weli ma qabsan laba magaalo oo muhiim ah oo ka ah Kharkiv oo ku taal waqooyi-bari iyo Mariupol oo ku taal Koonfurta.

Sida ay horey u sheegeen saraakiisha reer galbeedka, ciidamadu ma sameynayaan horumarkii ay qorsheynayeen sababo la xiriira dhanka saadka iyo iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Ruushka ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla gobolka Kyiv.

Sadex dhismo oo ka kooban shan dabaq ayaa ku burburay weerar gantaalo ah oo dhacay saddex saacadood ka hor, sida lagu sheegay barta Facebook ee wasaaradda.

Dhanka kale Jarmalka ayaa u soo diraya diyaaradaha dagaalak ee nooca loo yaqaano Tornado iyo kuwa ilaalada badaha, kuwaas oo hawlo sahamin ah ka wada aagga badda Baltic-ga,.

 

Dagaalka waxaa ka dhashay burbur soo gaaray goobaha qaar
Dagaalka waxaa ka dhashay burbur soo gaaray goobaha qaar

Afhayeen u hadashay wasaaradda gaashaandhigga oo ku sugan magaalada Berlin ayaa sheegtay in aysan bixin karin wax tafaasiil ah sababo la xiriira dhanka ammaanka , sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhanka kale maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa furi doonta baaritaan ku saabsan dambiyada dagaal ee uu Ruushka ka geystay Ukraine.

“Waxaa jirta sabab macquul ah oo lagu aamini karo in labada dambiyo dagaal iyo kuwa ka dhanka ah bini’aadantinimadaba ay ka dhaceen Ukraine,” waxaa sidaasi yiri Karim AA Khan, oo ah dacwad oogaha ICC .

Mareykanka ayaa dhanak kale cambaareeyay tallaabadda Ruushka uu heegan sare ku galiyay awoodooda Nukliyeerka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaaqista madaxweyne Putin ay tahay mid aan loo baahnayn — iyaga oo intaa ku daray in ay tahay ‘kordhin’ khatar gelinaysa ‘ xisaab-xumo khatar ah’.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaaqista madaxweyne Putin ay tahay mid aan loo baahnayn — iyaga oo intaa ku daray in ay tahay mid ‘xaaladda uga sii dareysa.

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa diiday in ay sheegaan in mowqifka hubka Nukliyeerka ee Mareykanka hadda la bedelay iyo in kale.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa bilaabay cunaqabatayn aan horay loo arag oo ka dhan ah dadka iyo shirkadaha ugu awooda badan Ruushka.

Isniintii, waxay ay midowga Yurub soo saareen liiska 26 qof oo wajihi doona cunaqabatayn.

Waxaa ka mid dadka cunaqabateynta lagu soo rogay.

Xoghayaha warfaafinta Kremlin Dmitry Peskov, iyo Alexander Ponomarenko, oo ah guddoomiyaha guddiga garoonka caalamiga ah ee Sheremetyevo ee Moscow.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Nikolay Tokarev, madaxa shirkadda Transneft, oo ah shirkadda dhuumaha shidaalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this