Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo Soomaaliya Ka Doonaya Taageero ka Dhan ah Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220228-WA0008.jpg?resize=1000%2C68Danjire Tina Intelmann oo Muqdisho kula kulantay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Muqdisho (Wararka PP) — Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tina Intelmann ayaa ka codsatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya inuu taageero hindise Midowga Yurub ku doonayo in la dhaleeceeyo wax ay ku tilmaantay “gardarrada Ruushka”.

20220228_235935.jpg?resize=828%2C505&ssl

Kulan ay Danjiruhu la yeelatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya kuna soo bandhigtay xirmo taageero ah oo dhan dhowr iyo afar milyan oo dollar si loo taageero dadka ku tabaaloobay abaarta ayay ku soo bandhigtay bareeraheeda ah in Soomaalida ay “eedeyn u soo jeediso Ruushka” oo weerar ku qaaday Ukraine.

IMG-20220228-WA0010.jpg?resize=781%2C102

Cadaadiska dimlomaasiyadeed ay Danjiraha saartay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu tilmaamay mid taageerada aadaminimo ku xirayo shuruud.

Weli dowaldda xilgaarsiinta Soomaaliya may soo bandhigin mowqifkeeda ku aaddan colaadda ka socota dhulkii loo yiqiin Midowga Soofiyeeeti.

© Puntland Post, 2022

The post Midowga Yurub oo Soomaaliya Ka Doonaya Taageero ka Dhan ah Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this