Sign in to follow this  
Deeq A.

Mowqifka dalalka Afrika ee ku aadan dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Ruushka ayaa sannadihii u dambeeyay ballaarinayey saamaynta uu ku leeyahay Afrika, ka dib markii ay duulaanka ku qaadeen Ukraine-na, waxa ay filayaan in xulafadiisa cusub ee la aasaasay ay taageero siiyaan, ama ugu yaraan ay dhexdhexaad ka noqdaan, hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.

Laga soo bilaabo Liibiya ilaa Mali, Suudaan, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR), Mozambique iyo meelo kale, Ruushku waxa uu aad ugu lug lahaa dhanka ciidanka isaga oo ka caawinaya la dagaalanka fallaagada ama mintidiinta jihaad doonka ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Kenya, oo hadda ah xubin aan joogto ahayn ka ah, ayaa si cad u muujisay sida ay uga soo horjeedo ficilka Ruushka ee Ukraine.

Laakin wali lama maqlin qeylo dhaan ka soo yeertay dalal kale oo taageersan mowqifka Kenya. Ururka Midowga Afrika, ayaa muujiyay “walaac aad u weyn” oo ku saabsan waxa socda, laakiin waa uu ka gaabsaday dhaleeceynta Ruushka.

Koonfur Afrika oo gacan saar la leh Ruushka ayaa ugu baaqday dalkaas in uu ciidamadiisa kala baxo Ukraine balse waxa ay sheegtay in ay weli rajo ka qabto in uu jiro xal oo la wadahadlo.

Dhanka kale, waxaa maalintii Arbacada ahayd Moscow ka dagay wefdi uu hoggaaminayay hogaamiya ku xigeenka Junta Sudan, Mohamed Hamdan Dagalo, labada dal ayaa gaaray heshiis isu soo dhaweynaya xirriirka labada waddan.

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin waxa uu horay u sheegay in xoojinta xiriirka uu Afrika la leeyahay ay tahay ahmiyadda kowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka.

.

Ujeedka iyo xiriirka Ruushka uu ka leeyahay Afrika ayaa waxay u muuqata in ay caqabaad ku tahay saameynta dalalka reer galbeedka ay ku leeyihiin qaaradda, taas oo aad u muuqata.

Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu weyn ee sida isbahaysigu u beddelay Afrika ayaa timid toddobaad uun ka hor weerarkii Ruushku ku qaaday Ukraine iyada oo la soo afjaray ku lug lahaanshihii Faransiiska ee la dagaalanka kooxahii ka dagaalamayay Mali.

Ra’iisul wasaaraha Mali, Choguel Maiga, ayaa wareysi uu siiyay France24 ku xaqiijiyay in dalkiisa uu heshiisyo iskaashi militari la saxiixday Ruushka. Balse waxa uu beeniyay in muranka ka taagan yahay shirkadda militariga ee gaarka loo leeyahay ee Ruushka, Wagner Group.

Kaalmadan uu Ruushku siiyay dalka Maali ayaa la sheegay inay wehlisay deeq loo fidiyey dawladda millatariga ee Burkina Faso xilli shanti sano ee la soo dhaafay uu Ruushku xoojinayay tallaabooyinka uu ku kordhinayo saamaynta uu ku leeyahay Afrika.

Iyadoo ay dib u soo cusboonaatay iskaashiga Ruushka iyo Afrika, shir madaxeedka 2019-kii ee ka dhacay koonfurta Ruushka ee magaalada Sochi ayaa waxaa ka soo qayb galay wefdi ka kala socotay 50 dal oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan 43 madaxweynayaal ah.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa la hadlay hogaamiyayaasha, isagoo ka codsaday taageeridda dhaqdhaqaaqa xoreynta, wuxuuna ballan qaaday inuu kobcinayo ganacsiga iyo maalgashiga qaaradda Afrika.

AfricanPutin.jpg

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Balse Ruushka ayaa siyaabo kale duwan joogtaankiisa ku sifeeyay: Ilaalinta dawlado dhowr ah oo Afrikaan ah, oo ah qaab tababar, sirdoon iyo qalab, iyo sidoo kale ku lug lahaanshaha calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee ka qayb qaatay colaadaha ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Sida Mr Putin uu tilmaamay, waxaa jira xiriiro taariikhi ah oo soo taxnaa tan iyo xilligii midowga Soveitka, xilligaas oo ay Afrika u kala tartamayeen Ruushka iyo Mareykanka.

Laakiin laga soo bilaabo burburkii USSR ee 1991-kii ilaa horaantii tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Ruushku uu soo maray marxalad kala guur ah, xiriirka Afrika ma ahayn mid ugu jira ajandaha ugu sarreeya.

Ka dib, dib u soo celinta awoodda ku luglahaansha wadamada Afrika, waxay noqotay mudnaanta siyaasadda dibadda ee madaxweynaha Ruushka.

Sannadkii 2014-kii, ka dib markii uu Ruushka la wareegay gacanka Ukraine ee Crimea iyo cunaqabataynta caalamiga ah ee daba socotay, waxaa aad u xumaaday xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Ruushka ayaa la kulmay khatarta go’doominta caalamiga ah, wixii markaas ka dambeeyay Moscow waxay bilowday raadinta xulafaysi cusub.

“Natiijadii cunaqabataynta awgeed, Ruushku wuxuu u baahday inuu u raadiyo xulafo cusub, wuxuu sidoo kale rabay inuu kordhiyo saamayntiisa caalamiga ah.,” ayay tiri Irina Abramova, oo ah maamulaha machadka Afrika ee Akadeemiyada Qaranka iyo Sayniska ee Ruushka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this