Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Si Kulul U Cambaareysay Wada-hadallada Somaliland Iyo Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Taiwan)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Cawaale Cali Kilane, ayaa cambaareeyay wada-hadallada u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.

Ambassador Cawaale ayaa sidoo kale cadho ka muujyay tallaabada Taiwan ay ku doonayso in ay xafiis wakiil kaga furato gudaha  Somaliland.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba. Habka Taiwan waa mid aad looga naxo marka laga eego macno ahaan sababta oo ah waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya,  iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyada oo la samaynaysa xidhiidh diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu yidhi safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.

Safiirka ayaa sheegay in heshiis xagga kheyraadka ah oo ay wada galeen Somaliland iyo Taiwan uu yahay heshiis aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in ayna ogolaaneyn in Taiwan amma cid kasta oo isku dayda si ay u dhacaan kheyraadka Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah. Kuwaas oo aan ilaalinayn sharciga caalamiga ah.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sheegay Taiwan oo Soomaaliya u aqoonsan tahay gobol kamid ah Shiinaha ay ka fogaato faro galinta ay ku hayso Soomaaliya arrimaheeda gudaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this