Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulkii magaalada Baydhaba oo xilka qaadis lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Baydhaba.

Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay, halka Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa sido kale  loo Magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

PUNTLAND POST

The post Maamulkii magaalada Baydhaba oo xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this