Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Soomaalida Ku Go’doonsan Ukraine Iyo Wararkii u Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ukraine)-Xadka u dhaxeeya dalalka Ukraine iyo Poland, ayaa waxaa ku xayiran Soomaali aad u tiro badan, iyadoo sidoo kale ay ku xayiran yihiin dad kaloo badan.

Axmed Cabdullaahi, oo warbaahintu kula xidhiidhay Khadka taleefanka, isagoo markaa kusugnaa xadka Ukraine, ayaa sheegay inay soo lugeeyeen 40km.

Wuxuu intaa ku daray Axmed inaaney sahlaneyn isaga tallaabista xuduudaha Ukraine iyo Poland, isagoo xusay in ajnabiga iyo muwaadiniinta dalka Ukraine lakala soocayo.

Axmed wuxuu carabka ku dhuftey iney tiradoodu gaareyso Soomaali ahaan iyo 150 qof, iyagoo isugu jira rag iyo dumar.

Waxay isugu jiraan Soomalida ku sugan Ukraine arday waxbaranaysay, iyo kuwo qaxooti ahaa.

Ma jiraan wax qoysas Soomaali ah oo dalkaasi kusugan. Dad aad u tiro badan ayaa taagan xuduuda u dhaxeysa dalalka Ukraine iyo Poland.

“Amnigayagu halis ayuu ku jiraa, dagaalku waa sii xoogeysanayaa, magaalada lagama bixi karo, oo waxaa saran bandow, ciidanka ayaa irdaha noo taagan, dukaamadii magaalada waa la xidhay, waxaan ku nool nahay cuntooyinka fudud oo aan soo adeeganay intii aan la xidhin goobaha ganacsiga,” ayuu yidhi Cabdiqaani Mayow oo ku sugan caasimadda Ukraine.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-14

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this