Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax weyn oo ka dhacay GEDO + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa maanta dhigay dibad-bax cabasho ah, waxayna isugu soo baxeen degmada Beledxaawo, iyaga oo socdaal ku tegay agagaarka xadka dalka Kenya.

Dibad-baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday in la boobo doorashada kuraasta 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.

Shacabka dhigayey dibad-baxa oo ahaa kuwa careysan ayaa ku qaylinayey erayo ay ka mid yihiin, Musuq-maaquq doonimeyno, Dollar qaate Dooni meyno iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyey maamulka Axmed Madoobe oo garab ka helaya Kenay inay hortaagan yihiin doorashada gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Garbahaarey ay nabad tahay, isla-markaana ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, iyaga oo ka dalbaday in aysan u Hogaansamin go’aanka Jubbaland.

Doorashada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaas oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay markii dhowaan Jubbaland ay shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

The post Dibad-bax weyn oo ka dhacay GEDO + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this