Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga oo laba arrin kala hadlay Midowga Afrika + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomalaiya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa, Danjire Bankole Adeoye kaas oo haatan booqasho ku joogo magaalada caasimada ee Muqdisho.

Wasiir Jaamac oo faah faahin ka bixiyey kulanka ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallo miro-dhal ah uu la yeeshay wafdiga uu hoggaaminayo Danjire Bankole Adeoye.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulankooda ay diiradda ku saareen laba arrimood, sida ammaanka dalka iyo howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika (ATMIS).

“Waxaan ka wada-hadalnay amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howl-galka cusub ee Midowga Afrika (ATMIS)” ayuu raaciyey Wasiirka, kadib woraal uu soo saaray.

Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa ayaa shalay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo si kala gooni ah u qaabilay wadigan ka socda Ururka Midowga Afrika oo ay qayb ka tahay Somalia.

Si kastaba, wada-hadallada dowladda federaalka iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatayt daaha doorashooyinka dalka.

274738043_10226337039763285_135785520003 FB_IMG_1646022585417-696x464-1.jpg?resiz

The post Wasiirka Gaashaandhigga oo laba arrin kala hadlay Midowga Afrika + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this