Deeq A. Posted February 28, 2022 Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa saaka si kooban uga faallooday halista ku xeeran dagaalka dowladda Russia ku qaaday waddanka Ukraine. Ismaaciil Xaaji ayaa si gaar ah uga hadlay wararka ku saabsan in dowladda Russia heegan buuxa gelisay Ciidanka gacanta ku haya hubka Nuclear-ka. Ruushka ayuu sheegay in aanu marnaba ku dhiirran karin isticmaalka Nuclear-ka maadaama quwadaha dunidu wada haystaan hubkaas. “ Hadda dowladna kuma dhacdo in ay riddo hydrogen bomb xataa tijaabadiisa ayaa la joojiyay oo heshiisyo laga soo saaray waayo? Radioactive-ka ayaa dunida dhan ku faafaya” ayuu yiri Ismaaciil oo muuqaal kooban soo duubay. Wuxuu sheegay in xilligii Maraykanku Nuclear-ka u adeegsaday magaaooyin ka tirsan dalka Japan (Hiroshima iyoNagasaki) aysan jirin cid kale oo dunida haysatay hubkaas. PUNTLAND POST The post Russia ma ku dhiirran kartaa adeegsiga Nuclear-ka? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites