Laba_Xiniinyood Posted February 27, 2022 ASC Waad salaamantihiin Dhamaan marwooyin iyo mudaneyaal: Baafin: Laba_Xiniinyood wuxuu baafinayaa duqeyda magacyadoodu hoos ku xusantahay. Fadlan waxaa laga codsanayaa ciddii meel ku sheegta ama maqashay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen inay ila wadaagto. Inay noolyihiin ama xijaabteen, inay SOL ku dhaqayoobeen ama ka dhaqaaqeen markay dhiriqowdey, in xoog-xaraashnimadii ay waaya badan la xarbinayeen xaglaha goysey oo loo haatan loo xoolagooyo iyo in kale, ciddii xogtooda haysow, warka ila soo gaar. General Duke (tolow Cabdullahi yusuf miyuu raacay) Xiinfiniin Isseh/Jamaal-11/Paragon Sophist Baashi Nin Brown Northerner Shehrezade (Ayaanley aqal ma weydo, tolow mala guursadey) Kashafa (tolow ma is qarxiyey) Ducaysane NG [just words on a screen] AT&T Emperor Oodweyne (tolow ingiriisku ma aqoonsadeen) Nuune Nuur Mujahid RedSea Miskiin Macruuf Aqyaar (MMA – waa ku salaamay) ============== = Ninba sadada meel baa llaah uga sameeyaaye Anse taydu waxay saaran tahay sudiyo geelwaabe Senge dhabarkii saymiyo colbaan saami ku' lahaaye Sahlanaa ammurtaydu sow lalama sooyaamo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 2, 2022 Waa kaa qaaday, widaay. Waayo waayo ayaa i soo xasuusisay. Dadkaa baafineysid qaarkood Facebook fadhiyaan sida Nuunka iyo Garabtuujiye. Kuwa kale magacooda waa iska ilooway. Dhankaaga wax walba bash bash ayaa u rajeynaayaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites