Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Ka Ogtahay Tirada Xildhibaannada Ka Sii Nool Odayaashaa Golaha Guurtida Lagu Aasaasay ?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland oo ah Golaha odayaasha ,kaas oo la aasaasay sannadii 1993-kii, isla markaana ah Golaha Sare ee Somaliland kana kooban 82 Xildhibaan ,kuwaas oo laggu soo xulay cahdigaas beelo,ayaa hadda waxa ka nool odayaashii wakhtigaas laggu aasasay Golaha Guurtida wax yar, waxaana inta baddan jagooyinkoodii buuxiyey,kaddib markii ay geeriyoodeen eheladooda gaar ahaan ubadkii ay ka tageen, taas oo keentay in Golihii noqday mid dhaxal tooyo ah oo la iska dhaxlo kursiga.

Golaha Guurtida Somaliland oo ahaa golaha marjaca u ah xalinta khilaafaadka iyo adkaynta nabedgalayada Somaliland ee aasaaska tiirarka somaliland kaga soo gudubtey maraaxil adag oo mid waliba waayihiisa lahaa ,islamarkaana doorweyn kulahaa dhismaha adkeynta nidaamka maamul ee Somaliland, ayaa xildhibaanadii mu-asaska u ahaa golahan intooda badani geeriyoodeen iyadoo ay kaalintoodii buuxiyeen, inta ugu badan wiilashii ay dhaleen, waxaana kamid ah xubnaha hadda ka nool duqeydaasi toddoba xildhibaan oo kamid ah ragga ugu da’ada weyn golahan, marka lagu darro labada gudoomiye ee shirgudoonka.

Siciid Jaamac Cali(Timo Wayne)

Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan

Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac(Koofiyad-dheere)

Suleex Madar Xoosh

Maxamuud Xareed Rooble

Dheeg Cismaan Yaasiin

Caydiid Maxamed Cabdi

Dhanka kalene shan Xildhibaan ayaa iyaguna kamid ah Xildhibaannada mudada dheer Kusoo jirey Golaha,kuwaas oo ku soo Biirey Golaha Sannadii 1997kii ,Waxaa kamid ah

Axmed Muuse Obsiiye

Siciid Cabdilaahi Yasir

Axmed Daahir Jirde

Saleebaan Garas Seed

Diini Maxamed Handi

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isagu la wareegay talada golaha sannadkii 2004-tii kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii u horeeyay, ee golaha guurtida Somaliland Sheekh ibraahim Sheekh Yuusuf Sh. Madar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this