Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin Oo Amray In Heegan La Geliyo Hubka Nukliyeerka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Kiyeef)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Axad ah amar uu siiyey Wasaaradiisa Difaaca sheegay in heegan la geliyo hubkooda Nukliyeerka oo uu sheegay inay jawaab u tahay hadallada iyo hanjabaada kasoo yeedhaysa xulafadda NATO.

Go’aanka Putin ayaa lagu soo beegay xilli dalalka Yurub ay cunaqabateyn kusoo rogeen Ruushka oo laga xidhay qaar kamid ah xidhiidhkii ganacsi oo uu caalamka lalahaa.

Ciidammada Ruushka ayaan weli ku guulleysan inay gacanta ku dhigaan caasimada Ukraine ee Kiyeef, iyagoo la kulmay dagaalo adag oo ay jidgooyo ugu dhigayaan ciidammada Ukraine oo gacan ka helaya shacabkooda.

Ruushka ayaa la sheegay inuu sare u qaaday ciidammada uu u dirayo Ukraine, iyadoo laga cabsi qabo inuu bilaabo duqeynta magaalooyinka waaweyn haddii ay sii xoogeystaan dagaalada ay la kulmayaan ciidammadooda.

Dhinaca kale dowlada Ukraine ayaa maanta ogolaatay inay wadahadal la gasho wafti ka socda Ruushka oo hadda ku sugan dalka Belarus, kulankaasi oo la sheegay inuu ka dhici doono xaduuda Ukraine iyo Belarus, sidaa waxaa ku heshiiyey Madaxweynayaasha Ukraine iyo Belarus oo maanta khadka telefonka kuwada hadlay.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa diiday in shirkan uu ka dhaco caasimada Belarus ee Minsk, isagoo sheegay in dalkaasi aanu dhex dhexaad ka ahayn dagaalka, balse go’aankan danbe qaatay kadib markii uu khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko oo kamid ah xulafada Putin.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-14

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this