Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxuu Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan uu galabta Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo la yeeshay Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed Villa Somalia kulankaas ayaa diiradda lagu saaray wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka. 

Hoos ka akhriso qoraal oo Madaxtooyada oo dhameystiran:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka. 

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa  Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka,  amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada. 

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

FB_IMG_1645979112335.jpg?resize=696%2C50 FB_IMG_1645979115234.jpg?resize=696%2C51 FB_IMG_1645979119823.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1645979107518.jpg?resize=696%2C50 FB_IMG_1645979102866.jpg?resize=696%2C48 FB_IMG_1645979100430.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Maxuu Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this