Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Macallimuu: Guusheyda waxay ahmiyad weyn u leedahay …

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay guushiisa, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah.

Macallimuu ayaa sidoo kale sheegay in guusha uu maanta gaaray ay ahmiyad weyn u leedahay suxufiiyinta Soomaaliyeed, oo mararka qaar ku shaqeeya xaalado adag.

“Marka hore Alle ayaa mahad leh oo igu guuleeyay halgankii waqti dheer u soo galay sidii aan uga mid noqon lahaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa u mahad-celinaya ergada sharafta leh ee sida aqlabiyada leh igu codeeyay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay xiligan jirin Musharax uu si gaar ah u wato, islamarkaana ahmiyad weyn u laheyn musharaxa uu dooranayo ee u codeyn doono qofkii dan u ah dalka.

“Waxaa idin sheegaya in ahmiyad weyn i-laheyn cida aan dooranayo, qof Soomaaliyeed ayaa ahay oo hal cod ayaa leeyahay, Musharaxiinta Soomaaliyeed waa badan yihiin, marka qof ay ila tahay in dalka xaaladiisa uu dan u yahay ayaa u codeyn doona.”

Macallimuu ayaa ballan-qaaday in uu ka dhabeyn doono dhaarta uu u-dhaaran doono xildhibaanimada, uuna daacad u noqon doono dalkiisa iyo ka shaqeynta horumarkiisa.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo doorashadiisa isha aad loogu wada hayey ayaa maanta ku guuleystay kursiga HOP#068, sida uu shaaciyey guddiga SIET ee HirShabelle.

Guusha Macallimuu ayaa aad loo sugayey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu tartanka doorashada u aaday Beledweyne, waxaana kursiga uu ahaa mid loo xiray.

Macallimuu inkastoo uu yahay nin saaxiibo badan, hadana siyaasad ahaan waxaa lagu tilmaama nin madax-banaan oo koox gooni ah aysan sheega karin.

Hadii hoos loo sii galo, hadda waxuu siyaasad ahaan aad ugu dhow-yahay hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hoos ka daawo

The post Daawo Macallimuu: Guusheyda waxay ahmiyad weyn u leedahay … appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this