Deeq A. Posted February 27, 2022 Guddiga Maamulka Doorashada heer Puntland ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada 16 kursi Golah Shacabka ee taalla magaalada Boosaaso. Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada 16 kursi ee Boosaaso ay dhacayso 5 iyo 6 bisha March oo ku beegan todobaadka dambe, gaar ahaan maalmaha sabtida iyo axada. 16 kursi ayaa 1 kursi (Hop#234) oo kaliya ah lagu calaamadeeyay qoondada haweenka, kaas oo ah kursi beesha leh horay ugu xirtay dumar. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada Boosaaso oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites