Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku fadhiyo Afarta Kursi oo ay Koonfur Galbeed shaacisay in doorashadooda la qabanayo Todobaadkaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska afar kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo todobaadkaan.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#275, HOP#230, HOP#183 iyo HOP#178.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey ayaa dhammaantood deegaan doorashadooda waxay tahay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed

Waxaa kuraastaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#178:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan   Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe).

HOP#183:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Sandheere Maxamed Iftin.

HOP#230:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi).

HOP#275:  Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Sheekh Shaakir Sheekh Maxamed Xasan.

The post Yaa ku fadhiyo Afarta Kursi oo ay Koonfur Galbeed shaacisay in doorashadooda la qabanayo Todobaadkaan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this