Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul Ka Tirsan Xukumadda Madaxweyne Biixi Oo Loogu Yeedhay Xarunta Dambi Baadhista Ee C.I.D

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Mas’uulka tirsan Xukumadda Madaxwayne Biixi ayaa looga yeedhay Laanta Baadhista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Masuulka oo Xil Agaasime Waaxeed ka haya Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa Xarunta Baadhista Dambiyadu waydiisay Su’aalo la Xidhiidha fal uu kula kacay Mulkiilaha Shirkadda Beenyada ee Asli-Maydi ninka la yidhaa Barkhad Jibriil kaas oo isaga oo waraysi bixina uu Kaladhka intuu qabtay ka joojiyay.

Agaasime Waaxeedkan oo la yidhaa Dhuux Cabdilaahi Cabdi ayaan dhankiisa sheegin waxaa la waydiiday.

Maalmahii ugu dambeeyay ayaa arrinkan aad loo hadal yahay iyadoo baraha bulshada aragtiyo kala duwan laga bixinayay.

Talaabadan yeedhmada ah iyo baadhista ayaa la eegayaa waxaa ka soo baxa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this