Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Burhaan: Madaxweynaha Puntland wuxuu ballan-qaaday in uu waddo sax ah marinayo doorashada Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1645894860694.jpg?resize=720%2C48

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka hadlay kulankii labaad ay maanta yeesheen isimada gobolka Bari iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Boqorka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shirku ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad laga gaaray arrimihii looga hadlayay, islamarkaana kulan saddexaad loo ballamay.

Boqor Burhaan wuxuu xusay in Madaxweyne Deni balan-qaaday in uu waddo sax ah marinayo doorashada Golaha Shacabka ee Boosaaso, islamarkaana uu kala hadli doono isimada ay quseyso.

Hoos ka akhriso bayaanka Boqor Burhaan.

Kulankii labaad ee Isimada iyo madaxweynaha Puntland

26 Feb 2022, Bosaso: Shir u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaso ayaa ka qabsoomey isla magaalada Boosaaso, kulanka ayaa ahaa kii labaad waxaana uu ka dhacay Madaxtooyada.

Shirkan ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad arrimaha looga hadlaayey, waxaana mar saddexaad loo ballamey kulan kale, oo aan rajeynayno in uu noqdo kii lagu soo dhamaystiri lahaa arrimaha taagan.

Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in uu marinaayo waddo sax ah, uuna kala hadli doono Isimada ay khuseyso.

Dhamaad


PUNTLAND POST

The post Boqor Burhaan: Madaxweynaha Puntland wuxuu ballan-qaaday in uu waddo sax ah marinayo doorashada Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this