Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Baabuur Loogu Deeqay Xukuumadda Somaliland Oo Qaybsadeen Qoyska Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Afar gaadhi oo laba ka mid ah ay shirkadda DP World dawladda siisay laba ka mid ahna shirkadda Hyundai ay siisay ayaa afartii gaadhi laba ka mid ah waxa la siiyay Mahad Muuse Xuseen, oo ah Mahad Muuse biixi sida aad u garan kartaan, (Biixigu waa naanays). Mahad waxa waqti xaadirkaas uu ahaa arday dhigta jaamacadda.

Labadii gaadhi ee soo hadhayna mid ka mid ah  Hodan Muuse Biixi ayaa qaadatay oo ku qoran, halka gaadhiga afraadna lagu qoray madaxtooyada

Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo qoray xogta oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa yidhi sida tan:

“Sawirka hoose: Qofkii xogtan i soo gaadhsiiyay waxa uu ii sheegay in afartan gaadhi ahaayeen afar gaadhi oo laba ka mid ah DP World dawladda siisay laba ka mid ahna shirkadda Hyundai ay siisay. Afartii gaadhi laba ka mid ah waxa la siiyay sida aad hoos ku aragtaan Mahad Muuse Xuseen, oo ah Mahad Muuse biixi sida aad u garan kartaan, (Biixigu waa naanays). Mahad waxa waqti xaadirkaas uu ahaa arday dhigta jaamacadda. Labadii gaadhi ee soo hadhayna mid ka mid ah  Hodan Muuse Biixi ayaa qaadatay oo ku qoran, halka gaadhiga afraadna lagu qoray madaxtooyada.

Fiidyowga hoose: Waa  Madaxweyne Muuse Biixi oo Ilaa sannad ka hor booqday Xarunta Xisbiga Kulmiye, kulana kulmay oo  kula hadlay haweenka taageera Xisbiga Kulmiye. Sida uu sheegayna waxa ay dumarkaasi taageerayeen xisbiga muddo la doortay saddex madaxweyne mid Kulmiye waayay iyo laba  Kulmiye heleen.

Nuxurka hadalka Madaxweyne Biixi waxa uu hooyooyinka u sheegaya in iyagu aanay helin dheef gaar ah weliba ay u sii dheer tahay  dhib iyo hagardaamo, carruurahoodii jaamacadda ay silica kaga soo saareen aanay shaqo haynin laakiin nabad ay haystaan, halka wiilkiisa Mahad Muuse Biixi isaga oo aan labaatan jir gaadhin waqti uu jaamacadda dhiganaayay uu laba gaadhi oo boqol kun oo dollar qiimo ahaan aan ka yarayn oo uu qaranku lahaa uu leeyahay.

Faafiya oo meel walba ka rida aniga bal cirka ha i geeyaane.

FG: Xilligii Cabdillaahi Abokor uu wasiirka wasaarrada gaadiidka ayaa la i soo gaadhsiiyay xogtan.

Sidii roon Allahayoow.”

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-9.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this