Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu M/weyne Putin niyadda ku hayaa inuu sameeyo marka uu ka faraxasho Ukraine?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muxuu M/weyne Putin niyadda ku hayaa inuu sameeyo marka uu ka faraxasho Ukraine?

.

Maalintii saddexaad ayuu galay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, madaxweynaha Ukriane, Volodymyr Zelensky, ayaa wacad ku maray in ciidamada dalkiisa ay sii wadi doonaan dagaalka.

Haddaba maxaa dhici kara?

Danta ugu weyn ee Ruushka ayaa ah Kyiv, oo ah magaalada caasimadda ah iyo xarunta dowladda Madaxweyne Zelensky – magaalo ay horay uga dhaceen dagaallo.

Qorshaha duullaanku waxa uu guud ahaan ka kooban yahay saddex jiho oo weerar ah, oo ka imanaya woqooyiga, bari iyo koonfurta, iyada oo la isticmaalayo madaafiic iyo gantaallo si ay u khafiifiyaan iska caabbinta ka hor inta aan la raacin ciidamada lugta iyo taangiyada. Putin waxa uu jeclaan lahaa in uu arko xukuumadda Zelensky oo si dhakhso isku dhiibto, oo lagu beddelo dawlad kale oo Moscow u janjeerta.

Madaxweyne Putin waxa uu marar badan ku eedeeyay Ukraine in ay maamulkeeda la wareegeen kooxo xagjir ah, tan iyo wixii ka dmabeeyay markii 2014-kii xilka laga tuuray madaxweynihii Ruushka taageeri jiray, Viktor Yanukovych. Mudaharaadyo bilo socday ayaa xafiiska looga eryay Mr Yanukovych.

.

Brig Ben Barry oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadda, ayaa yiri “qabsashada Ruushka ee Kyiv waxay noqon doontaa guul milatari iyo mid siyaasadeed oo leh saameyn istaraatiijiyadeed.

“Balse waxaa laga yaabaa inaysan burburin dowladda Ukraine – waa haddii ay sameyso qorshayaal lagu dhisayo xarun dowladeed oo cusub.”

Qorshaha duulaanka Ruushka ayaan gabi ahaanba u socon sidii loo qorsheeyay – Sirdoonka Britain ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan ciidamada Ruushka la dilay, iska caabintuna ay tahay mid adag – balse uu dagaalku weli socdo.

Ciidamada Ruushka ayaa saddex meelood ka badan kuwa Ukraine, waxaana la is weydiinayaa tayada hoggaanka ciidamada Ukraine iyo inta ay ciidamadoodu sii jiri karaan.

Hadda waxaa cad in Ruushku uu doonayo burburinta dowladda sida dimuqraaddiga ah loo soo doortay ee Ukraine. Ujeeddadiisu waa in Ukraine laga xoreeyo maamulka gacanta birta ah leh iyo in “laga nafiidiyo dhaqanka Nazi-ga”.

Iska caabin

Iska caabin ayaa durba bilaabatay, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Ruushka mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhaca galbeedka Kiev.

Wadamada bariga Yurub, ayaa si argagax leh u eegaya dhaqdhaqaaq kasta oo Ruushku uu ka sameeyo xuduudahooda.

Kusti Salm, oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Difaaca ee Estonia, oo ka mid ah musuuliyiinta riixaya in kaalmo milatari oo dheeraad ah la siiyo Ukraine ayaa yiri, ” Waxaan u baahanahay inaan siino hubka sida gantaalada lidka taangiyada ee Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha, rasaasta iyo agabka ilaalinta, qaran kasta oo Nato ah waa inuu caawiyo Ukraine.”

 

Ukraine waxay sheegtay inay soo rideen diyaarad weyn oo Ruushka leeyahay oo siday ciidamo.

Dhinaca kale, Ruushka wuxuu sheegay inay ciidamadiisa ay gudaha u galeen magaalada Melitopol oo u dhow gobolka Crimea, inkasta oo aan arrintan la xaqiijin.

.

Aaway doorkii Nato?

Nato si bareer ah uma joogto Ukraine. In kasta oo Kyiv ay ka codsatay reer galbeedka in ay gargaar la soo gaaraan, Nato ayaa si cad u diiday in ay ciidamo u diraan Ukraine.

Waa maxay sababtu? Sababtoo ah Ukraine maaha xubin ka mid ah isbahaysigaas iyo Nato, mana rabto in si cad ay dagaal ula gasho Ruushka.

Madaxweyne Putin waxa uu qayb ahaan eedda ku saabsan go’aankiisa weerarka u sababeeyay isku ballaarinta Nato ee dhanka bariga

Dhanka kale, Nato waxa ay xoogga saartay sidii ay u xoojin lahayd xudduudaheeda bari. Arinta la yaabka leh ayaa ah in iyadoo Moscow ay ka dalbaneysay Nato in ciidamadeeda ay u sii gudubto dhanka galbeed, duulaankii Putin ee Ukraine uu gaaray caksigeeda.

Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa ka codsatay dadka inay ku biiraan ciidanka, iyadoo sheegtay in ciidamada Ruushka ay geli karaan caasimadda Kiev.

“Tani waa baraarujin ballaaran oo Yurub ah,” ayuu yiri Tobias Ellwood, oo ah xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka UK. “Soddon sano oo nabad ah ma ahan wax laga xumaado, marka aan la tacaalno qofka daalimka, waxaana u baahannahay inaan kordhino qorshaheenna.”

Ma laga yaabaa inay sii xumaato xaaladda?

Ukraine, oo si weyn ugu codeysay madax-bannaanida Moscow 1991-kii – oo ka tanaasulay hubkoodii nukliyeerka – ayaa wajahaya in dib loogu celiyo soddon sano haddii uu Ruushku la wareego dalka oo dhan.

Su’aasha ugu weyn ee haysata hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa ah: muxuu Madaxweyne Putin niyadda ku hayaa inuu sameeyo marka uu ka soo dhamaado Ukraine?

Madaxda gaashaandhiga Nato ayaa dib u baaray khudbadiisii ​​dheerayd ee July 2021, waxayna ku soo gabagabeeyeen inay si degdeg ah ugu baahan yihiin in la xoojiyo xuduudaha bari ee Nato si aanu Putin isku dayin inuu galo wadamo ay ka mid yihiin Poland, Lithuania, Latvia iyo Estonia.

.

Muxuu doonayaa Putin?

“Waxaan filayaa inuu madaxweyne Putin leeyahay qorshe,” ayuu yiri Tobias Ellwood.

Ukraine waxay raadineysaa in loo caddeeyo waqtiga ay ku biireyso Nato, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Ryabkov uu yidhi: “Annaga waxaa waajib nagu ah inaan xaqiijinno in aysan Ukraine waligeed xubin ka noqonin Nato.”

Balse Ruushku diiradda ma saarayo oo kaliya Ukraine. Waxa uu dalbanayaa in Nato ay ku noqoto xuduudihii ay taagneyd wixii ka horreeyay 1997-kii.

Mr Putin waxa uu rabaa in Nato ay iska bixiso dalalka ku biiray wixii ka dambeeyay 1997-kii iyo in aysan hub geynin xuduudaha u dhow Ruushka.

Taas waxa ay ka dhigan tahay in Nato aysan wax dhaqdhaqaaq ah iyo awood militeri ku yeelanin waddamada ku yaalla Bartamaha, Bariga Yurub iyo Baltics.

Mr Putin wuxuu sheegay in Reer Galbeedku ay 1990-kii ballan qaadeen in Nato “aan lagu fidin doonin hal taako oo ka mid ah bariga”, balse ay sidaas dhacday.

Xilligaas waxay ahayd ka hor inta uusan burburin Midowgii Soviet-ka, ballanta laga qaaday madaxweynihii Soviet-ka, Mikhail Gorbachev, waxay ahayd mid ku saabsan Bariga Jarmalka ka hor inta aysan Jarmalka dib u midoobin.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka waxay rajeynayaan in si wadajir ah tallaabo loo qaado oo ay weheliso cunaqabatayn dhaqaale oo adag, farriin ka-hortagga ay si cad uga diiwaan gashan tahay Moscow.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this