Deeq A. Posted February 26, 2022 James Heappey oo ah wasiirka ciidamada qalabka sida ee boqortooyada Inkiriiska ayaa shegay in UK iyo 25 waddan oo ka tirsan qaaradda yurub ay ku heshiiyeen in gargaar bini’aadanimo iyo saanad ciidan ay u diraan Ukraine, Wasiirka ayaa hadalkaan ka shegay wareesi uu sinayay BBC . Dhinaca kale dowlada Faransiiska ayaa shegtay in xukuumadda kyiv, ay gaarsin doonto qalab militari oo dhameestiran si ay iskaga difaacdo quwadda ruushka. “Maalin cusub ayaa u bilaabatay isbaheeysiga dagaalka ka dhanka ah ayaana shaqeeynaya” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. A new day on the diplomatic frontline began with a conversation with @EmmanuelMacron. Weapons and equipment from our partners are on the way to Ukraine. The anti-war coalition is working! — Володимир Зеленський (@ZelenskyyUa) February 26, 2022 Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites