Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Safarkii Madaxweyne Biixi Ku Tagay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland ayaa maalintii shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar qaatay muddo afar cisho ah.

Mudaddaasi uu Madaxwaynahu joogay Waddanka Jabuuti waxuu kulamo aan Xaqiiq-dooda la sheegin uu la yeeshay Madaxwaynaha jabuuti,

Waxaanay ka wadda hadleen arrimo gaara marka laga tago tan guud ee caamka ah.

Arrimaha ay ka wadda hadleen labada Madaxwayne ayaa xoggo hoose oo Hangoolnews helayo ay muujinayaan in ay   labada Madaxwayne isku fahmi waayeen   arrimaha shakhsiyayeed ay ka wadda-hadleen, waxaana sidda Xoggtu muujinayso ka biyo diiday Madaxwaynaha Somaliland.

Dhankale diidmada iyo waji gabaxa Madaxwayne Biixi ayaa dibadda u soo baxay ka dib markii uu shalayto ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa oo ay ku sugnaayee masuuliyiin kala duwan kuwaas oo aanu midkoodna gacan qaadin una muujin waji furan sidda ka muuqata soo dhawayntiisii.

Geesta kale waftiga ayaa si toosa uga gaabsaday ka hadalka waxii ay kala kulmeen Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa Xusid Mudan in uu waftiga ka mid  ahaa Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ahna Wasiirka Warfaafinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Xogaha ayaa inta badan xaqiijinaya in labada Madaxwayne ay meelo gaara ay isla fahmi waayeen diidmada iyo waji gabaxuna uu ka imanayay dhanka Madaxwayne Biixi.

Madaxwayne Biixi ayaa markii uu dhoofayay sii marin qolka nasashada ee madaarka Hargaysa.

Xigasho: Hangoolnews

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-7.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this