Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad Soomaali ah oo laga mamnuucay in ay Maraykanka u safraan

Recommended Posts

Deeq A.   
2-17.jpg?resize=1000%2C663&ssl=1

Dowladda Mareykanka ayaa mamnuucday in ay dalkeeda u safraan mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah kuwaas oo ku eedaysan in ay dhibaato ku yihiin hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu yiri  Blinken.

Maraykanka ayaa horay u sheegay in aysan aqbali doonin dib u dhac kale oo ku yimaada  Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad Soomaali ah oo laga mamnuucay in ay Maraykanka u safraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this