Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormaa la shaacinaya jadwalka qaybta kowaad ee doorashada taal Boosaaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelin doorashada dadban ee heer Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhowaan shaaciyaan jadwalka doorashada qayb kamid ah kuraasta taal Boosaaso.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in sida ugu dhakhsaha badan loo shaacin doono jadwalka qaybta kowaad ee xubnaha lagu dooranayo Boosaaso.

Waxay sheegeen in la soo hormariyay kuraasta aan khilaafka adag ka jirin si loo bilaabo doorashada taalla Boosaaso loona de-dejiyo.

Puntland ayaa ilaa iyo hadda qabatay doorashada 15 kamid 37 xubnood ee laga soo doorto degaannadeeda waxaana harsan 22 xubnood.

PUNTLAND POST

The post Goormaa la shaacinaya jadwalka qaybta kowaad ee doorashada taal Boosaaso? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this