Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalkii Ugu Cuslaa Oo Hadda Ka Socda Dalka Ukraine + NATO Oo War Xasaasi Ah Soo Saartay + Duullaanka Oo Maalintii Saddexaad Galay Iyo Wararkii U Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kiev)-Dagaal ayaa ka qarxay waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Kiev, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Interfax.

“Dagaalka ayaa haatan ka socdaa waddooyinka caasimadda” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda. Waxay dowladda shacabka ugu baaqday inay raadsadaan goobo gabbaad ah isla markaana ayna u dhawaan daaqadaha guryaha ama inay bannaanka usoo baxaan.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Dhinaca kale Qaraxyo dhowr ah ayaa hadda laga maqlay magaalada Kyiv, halkaasoo ay hadda ka socdaan duqeymo xooggan. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in 18,000 oo qoryaha daran dooriga u dhaca loo qaybiyay mutadawiciin doonaya in ay duullaanka Ruushka.

Muuqaalo laga soo duubay duqeymaha maanta ayaa muujinayay gaadiidka gaashaaman oo ku sii siqaya degmooyinka waqooyi ee magaalada. Dalalka Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.

G

Wadamada ku bahoobay ururka NATO ayaa bayaan ka soo saaray shir deg deg ah oo maanta ay ka yeesheen duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, iyagoo cambaareyn ku bilaabay war-saxaafadeedkooda.

Waxaan ugu baaqaynaa Ruushka in uu si degdeg ah u joojiyo weerarka millatari, oo dhammaan ciidamadiisa uu kala baxo Ukraine, kana soo laabto dariiqii gardarada ahaa ee uu doortay.

“Weerarkan muddada dheer la qorsheeyay ee lagu qaaday Ukraine, oo ah waddan madax-bannaan, nabad ah oo dimuqraadi ah, waa arxan-darro oo gebi ahaanba aan damiir lahayn oo aan sabab lahayn. Nabadda qaaradda Yurub ayaa asal ahaan burburtay. Dunidu waxay la xisaabtami doontaa Ruushka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka NATO.

Sidoo kale qoraalka NATO waxaa lagu shaaciyey in Ruushka lagu soo rogay cunaqabatayn ballaadhan oo aan hore loo arag, “Waxaan si buuxda u garab taagannahay madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, baarlamaanka, xukuumadda Ukraine iyo shacabka geesiyaasha ah oo hadda difaacaya dalkooda hooyo,” ayey tidhi NATO.

“Waxaan howlgelinay qorshayaasha gaashaandhigga ee NATO, si aan isu diyaarino ka jawaabida xaalado kala duwan iyo is baheysi dhul oo sugan, waxaan hadda samaynaynaa difaac dheeraad ah oo la taaban karo oo cudud ciidan ah, kuna wajahan dhinaca bari ee isbahaysiga. Tallaabooyinkeenu waxay ahaa doonaan kuwo ka hortaga, saami-qaybsi ama wax kasta oo aan kor u kac lahayn.”

Ugu dambeyntii bayaanka NATO waxaa lagu caddeeyey in ururku uu u mideysan yahay difaaca dhammaan dalalka xulafada, “Sida uu dhigayo qodobka 5-aad ee heshiiska Washington, waa mid adag xoriyaddu mar walba waxay ka adkaan doontaa dulmiga,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay shirkii NATO.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ciidanka Ruushka uu gudaha u galay caasimadda Ukraine, ilaa hadana ma jiro waddan cudud millateri ku garab istaagay waddanka lagu duulay ee Ukraine, waxaana muuqata in lagaga baxay ballan-qaadyo ay ka heysteen waddamo uu ugu horreeyo Mareykanka.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-3.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this