Sign in to follow this  
Deeq A.

“3 Bilood Ee U Danbeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Waxa La Magacaabay 11 Lataliye Oo Qaata $1000-$2000 Dhammaan Waa Beesha Dhexe (Isaaq)” Dhamme

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha shaqada iyo arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa si weyn u naqdiyay wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dunida.

Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi sida tan:

“Ictiraafka iyo Caddaalada Kee Horreeya ?

Somaliland waddamo ka mida dunida waxay u magacawday 24 Danjire iyo 3 Ergay, waxa beesha dhexe ah 18 Danjire iyo 3 Ergay,  Beelaha darafyadu waxay leeyihiin 6 Danjire. Waddamada cilaaqaadka aynu la leennahay ee leh Xafiisyada muhiimka ah ee miisaaniyaddu ku baxdaa waa 6 dal Uk, Taiwan, Ethiopian, UAE, Djibouti, Kenya waxa haysta dhammaan Beesha dhexe, Dalalka China, Yeman, Farnce, USA, Turkey, Canada, waxa haysta beelaha Darfyada ! inta badan Danjirayaasha waxa Xafiis u ah guryahooda oo ay ku shaqeeyaan. 3 bilood ee u danbeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa la magacaabay 11 Lataliye oo qaata $1000-$2000 dhammaan waa beesha dhexe, Wasaaraddu waxay ka koobantahay 9 waaxood 7 waa beesha dhexe 2 ayaa darafyada ah. Caddaalada ka horraysa Ictiraafka !

“Indhaha saxarbaa ku jira

Fartaan kaga saari laa

Ciddiyo sarayaa ku yaal”

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-4.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this