Sign in to follow this  
Deeq A.

Baladweyne: Doorashada Lix Kursi Oo Dib Loo Dhigay !

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid doorashada lix kursi oo maanta lagu dooran rabay magaalada Baladweyne.

War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in muddo hal maalin ah dib loo dhigay doorashada kuraasta HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032, HOP#252 & HOP#068.

Beri oo Axad ah ayeey guddiga sheegeen in la qabanayo doorashada kuraastaan, kuwaas oo maanta lagu balansanaa in ay doorashadooda ka dhacdo magaalada Baladweyne.

Kuraasta maanta la dooran rabay ayaa kala ah

✅HOP#006
✅HOP#022
✅HOP#003
✅HOP#032
✅HOP#252
✅HOP#068

Waxaa baarlamaankii 10-aad kuraastaan ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

✅HOP#006: Maxamuud Cabdullaahi Axmed.
✅HOP#022: Cismaan Maxamed Cabdi.
✅HOP#003: Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beene-Beene.
✅HOP#032: Khaliif Cabdi Cumar.
✅HOP#252: Cabdicasiis Saalax Carmaan.
✅HOP#068: Faaduma Faarax Ibraahim.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this