Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Maraykanka Oo Xidhay Nin Loo Haysto Dilka Imaam Maxamed Xasan Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLTColumbus)-Waxaa magaaladda Columbus gobolka Ohio elague dalka Mareykanka lagu qabtay, xabsina loo taxaabay nin la sheegay in uu yahay qofkii dilka toogashadda u geystay Imaam Sheekh Dr. Mohamed Hassan Aadam oo Soomaali ah.

Sida ku cad dukumentiyo loo gudbiyay maxkamadda kiiskaan gacanta ku haysa, John W. Wooden Jr. ayaa loo haystaa inuu habeenkii ciidda Kirismaska dilay Imaam Maxamed Xasan Adam.

Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, waaran baadhitaan ayaa la geeyay guriga Wooden Jr.l, Kadib markii booliisku gurigiisa ay ka heleen hubka loo maleynayo inuu yahay midkii lagu togtay marxuumka.

Ninkaan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad federaali ah oo ku saabsan in uu yahay dambiile haysta qori. Maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay sharciga Hobbs 2010 laguna xukumay 204 bilood oo xabsi ah. Waxa xabsiga laga sii daayay March 2021.

Booliska Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen inay baadhitaan dheeraad ah ku sameeynayaan Ninka loo heysto dilka Imaam Sheekh Maxamed kadibna wixii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Imaam Dr. Mohamed Hassan Aadam oo la waayey bisha December 23, 2021 markii uu toddobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey markii ay taariikhda aheyd December 24, 2021.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this