Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Ilaalada madaxtooyada Somaliland Gaashanle Sare Muuse Cilmi Faarax, ayaa ku geeriyooday maanta Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee Gashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Biix ayaa waxa ku yidhi sida tan:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey khabiir aqoon dheer u leh arrimaha ciidamada oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ku lahaa, dhismaha Ciidamada Qaranka Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay, hadda oo uu geeriyoodayna ahaa taliyaha guud ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Jmahuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka Somaliland, Madaxtooyada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhan kale murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee Gaashaanle-sare Marxuum Muuse Cilmi Faarax.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku yidhi sida tan:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN;

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Qoyska, ehelada, Ciidanka Qaranka guud ahaan, gaar ahaanna Ciidanka Madaxtooyada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada JSL,

Gaashaanle-sare Marxuum Muuse Cilmi Faarax oo Hargeysa xaqii ugu yimid.

Waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Marxuumka Jannatul Firdowsa geeyo, Qoyskii, eheladii, asxaabtii Ciidankii Qaranka, iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo. Aamiin

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this