Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Taxay Qoddob Xal u Noqon Kara Sicir bararka Taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo jeediyey qodobo xal u noqon kara sicir bararka baahsan ee Waddanka ka jira wakhtigan, isaga oo dhinaca kale tilmaamay in Xisbigoodu qorshe cad la leeyahay haddii ay xukunka qabtaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen sicir bararka

Waa Maxay Xalku?

WADDANI ahaan, waxaanu xal u aragnaa oo samayn lahayn, iminkana xukuumaddan la gudboon sidan:

Xalka mustaqbalka dhow:

5. Waa In heerka tayadda shidaalka dalka laga dhigo heer taagta dalkeena ah oo gaadhsiisan ilaa 3000 ppm maadadda salfar Dhaay-oksaydhka. Arinkana waa in Hay’adda ku shaqadda la wareegtaa.

6. Waa in Haamaha shidaalka dib loo eego maamulkooda iyo ka faa’iidaysigooda madaama hadda xukuumaddu ku fashilantay maamulka Haamaha oo xitaa sanadkan 2022 aanay bixin karayn kharashkooda hawlaha sida mushaharooyinka isla markaan dakhligii kiradda ee ka soo geli jiray xukuumadda ay lumiyeen kadib markii Ganacsataddu ka wareegtay isticmaalkooda. Siddoo kale waa in la sameeyo Xeerka Maamulka Haamaha Shidaalka

7. In cashuur-dhimis iyo ajuuro dhaaf dhanka haamaha ah muddo ugu yaraan 2 sanno ah loo sameeyaa ganacsatadda taas oo aan qabno in shidaalka ay ku soo celin karto qiimihii 5-tii sanno ee 2016-2020.

8. Waa in shirkadda Trifagura sid ugu dhakhsaha badan loo hor keeno heshiiskeeda Golaha Wakiiladda isla markaan la xaqiijiyo in aanay sabab u noqon kor u kac dambe oo shidaalka ah.

9. Waa in gebi ahaanba cashuurta dawladda laga dhaafo raashinka ilaa inta dib qiimuhu u soo noqonayo.

10. Waa in Xukuumadda la fadhiisataa Ganacstadda kana qayb-galisaa xal-u-helida sicir-bararka oo aan qabno in kaalin shariif ah ay ka ciyaari karaan.

11. Hay’adda kaydka cuntadda oo kaashanaysa, Ganacsatadda iyo hay’adda gargaarka caalamiga ah waa inay bilowdaa raashin qaybin lagu bartilmaameedsanayo qoysaska jilicdsan ee sicirbararku sababay inay goyn waayaan cuntadda.

Xalka mustaqbalka fog

Mustaqbalka fog waxaa muhiim ah in xukuumaddu la timaado siyaasadda kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo isku-filnaanshaha cuntadda qaranka oo gebi ahaanba imika fashil ah.

Waa in beeralaydda laga kabo dhinaca farsamadda, cilmi-baadhista, saacadaha qodaalka iyo dhiirigelinaha kale.

Waa in la abuuro jewi ganacsi oo la maalgashan karo kaas oo ka hanaqaada Soomaaliland isla markaana abuura shaqooyin badan oo dhalinyaradda iyo aqoonyahanku ka faaiidaysto.

Waa in kor loo qaadaa barashadda xirfadaha lagu shaqaysto iyadoo la xoojinayo dugsiyadda farsamadda.

Abaaraha:

Iyadoo ay jiraan dhibaatada dhinaca nolosha iyo sicirka ah ee aynu soo sheegnay haddana waxa dadka ugu darsamay abaar ba’an oo ka jirta deegaannada miyiga ah gaar ahaan kuwa Hawdka iyo deegaannada Gubanta ah. Dadkii reer miyiga ahaa wadnaha ayay farta ku hayaan,xukuumadduna illaa hadda wax jawaab ah kama bixin, waxaabad moodaa inay xukuumadda iyo dadkeedu labo dal ku kala noolyihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this