Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo dalab cusub kasoo saaray doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT) oo war kasoo saaray doorashooyinka dalka, ayaa dalbaday in la dadajiyo doorashada Golaha Shacabka, oo inta badan la qabtay doorashadooda.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in doorashada dalka ay mareyso meel geba-gabo ah, waxa uu dalbaday in la da-dejiyo kuraasta dhiman si loo xaqiijiyo dhammeystirka tirada Golaha Shacabka ee ah 275.

Axmed Safiina sidoo kale sheegay in maanta lasoo gaba-gabeeyay kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb oo ah caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

“Doorashada Dalka waxa ay kusii siqeysaa meel gaba-gabo ah, waxa aan soo gaba-gabeynay kuraasta Banaadirga 5 kursi, Waqooyiga 46 xildhibaan, Dhuusamareeb 26 kursi & Baraawe 26 mudane,” ayuu yiri Afhayeen Safiina.

“Waxaa inoo dhiman kuraasta Garbahaarey oo ah 16 kursi, 11-ka Gaalkacyo yaalla oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug, 16ka Boosaaso yaalla, Baydhabo 19 kursi ku harsan yihiin Koofur Galbeed, waxaa iyanna socota Doorashada Garoowe, Kismaayo, Jowhar iyo Baladweyne.”

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta qorshuhu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo, hase yeeshe Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa u kordhiyay 18 maalmood oo ku siman 15-ka Maarso ee 2022.

The post Guddiga doorashooyinka heer federaal oo dalab cusub kasoo saaray doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this