Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa kusoo baxay kuraasta doorashadoodu maanta ka dhacday Muqdisho iyo Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, waxaana maanta magaalada Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacday kuraas kamid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay kusoo baxeen sagaal mudane.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla magaaladaas, halka guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ay qabteen Shanta kursi ee beelaha Banaadiriga ku leeyihiin Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadoodu lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxay kala yihiin;

1. HOP#012: oo uu ku guuleystay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horey ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 93 cod.

2. HOP#048: waxaa ku guuleysatay Faa’iso Maxamed Jeyte oo heshay codad gaaraya 96 Cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Janeraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

3. HOP#137: kursigaan waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo helay codad gaaraya 92 cod, waxaana hore ugu fadhiyay kursigaan Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.
4. HOP#071: waxaa markale ku guuleystay kursigaan Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug, Cabdi Saabir Shuuriye, oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan, wuxuuna kusoo baxay codad gaaraya 80.

Kuraasta doorashadoodu lagu qabtay Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa kuso obaxxay mudaneyaal cusub, kuwaasi oo kala ah;

1. HOP#034: Waxaa ku soo baxay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, wuxuuna kursigaan kamid ahaa kuwo buuq badan ka dhashay oo markii dambe uu xaliyay guddigii uu magacaabay Rooble.

2. HOP#105: Kursigaan waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde, ayada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar oo meesha laga saaray.

3. HOP#266: Waxaa ku guuleystay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), waxaa hore ugu fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

4. HOP#084: Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego) ayaa kursigaan ku guuleystay.

5. HOP#265: Kursigaan oo ahaa midkii u dambeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, ayada oo Golaha Wada-tashiga Qaranka uu mudeeyay in doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022.

The post Yaa kusoo baxay kuraasta doorashadoodu maanta ka dhacday Muqdisho iyo Dhuusamareeb? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this