Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka oo fasaxay doorashada kuraasta Banaadiriga iyo jadwalka oo lasoo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xil-saaray xalinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadiriga ayaa ku guuleystay xalinta khilaafkaas, sida uu shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in la fasaxay qabashada doorashada kuraastaas, ayna bilaabaneyso diiwaan-gelinta.

Saacado kadib Guddiga maamulka doorashada xildhibaanada Banaadiriga ayaa shaaciyay xubnaha guddiga xulista ergada ee shanta kursi, oo horay loo shaaciyey ee Golaha Shacabka.

Saddexda kursi ayaa kala ah; HOP#034, HOP#084 iyo HOP#266, waxaana xubnaha Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ay dhan yihiin 15.

Sida lagu sheegay jadwalka uu soo saaray guddiga doorashada Banaadiriga waxaa maanta bilaabaneysa xulista iyo diiwaan-gelinta ergada soo xuleysa kuraastaas, iyo tababaridooda.

Sidoo kale isla maanta ayaa waxa uu guddiga qabanaya araajida, diiwaan-gelinta, lacag shubista iyo shahaado siinta musharaxiinta raba inay u tartamaan shanta kursi.

Doorashada shanta kursi ayaa qorshuhu yahay in la qabto maalinta Jimcaha ee 25-ka bishaan, oo ah maalintii loo asteeyay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

BN01.jpg?resize=696%2C901&ssl=1 BN02.jpg?resize=696%2C903&ssl=1

The post Guddiga doorashooyinka oo fasaxay doorashada kuraasta Banaadiriga iyo jadwalka oo lasoo saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this