Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kursiga FAHAD Yaasiin oo kala qaybiyay xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ku kala qaybsamay fasaxa ay qaybtood fasaxeen kursiga #HOP086, oo Axaddii uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoona uu kursigan ka mid ahaa illaa 6 kursi oo maalintaasi lagu doortay Magaalada Beledweyne.

Warqad lagu daabacay barta Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Facebook ayaa shalay lagu shaaciyay in la fasaxay kursigaasi, waxyar kadibna warqaddii ayaa laga saaray bartii guddiga, kadib markii uu xoogeystay khilaafka Xubnaha Guddiga iyo cadaadis la sheegay inuu soo wajahay.

Warqadan ayaa looga jawaabayay tallaabadii ay laba maalin ka hor Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ku hakiyeen natiijada doorashada ee kursigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay markii horeba isku khilaafeen inaanan warqadaasi lagu baahin barraha bulshada, taasi bedelkeedana in si toos ahi loogu diro Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Doorashada HirShabelle.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in warqaddaas uu ka dambeeyey guddoomiyaha guddiga oo ku xiran Villa Somalia, balse ay kasoo horjeesteen xubnaha kale ee guddiga.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu Guddiga Xalinta Khilaafaadka ku cadaadiyay in ay warqadaasi ka saaraan boggooda.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka aanay ahayn kuwo madaxbannaan, marka aad eegto saamaynta ay ku leeyihiin labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, waana mid ka tarjumaysa sida ay u macno beelayaan waajibaadkii loo igmaday guddiyadaasi.

Khilaafkan ugu dambeeyay ee ka soo kordhay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ku soo aadaya, xilli ay maalinta Jimcaha ku egtahay muddada lagu heshiiyay in la soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, tiiyoo ay muuqato inaanan waddadeedii lahayn.

Illaa iyo hadda kuraasta Golaha Shacabka ee la doortay ayaa ah 175 kursi oo 38 ka mida ay haween ku soo baxeen, waxaana weli harsan 100 kursi.

The post Xog: Kursiga FAHAD Yaasiin oo kala qaybiyay xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this