Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Can't even get kuraasta tolka

Recommended Posts

Now I know why he is not as belligerent as he was before. Ileen waxba meesha kuma haayo and had given up. 

Xasan Sheekh oo laga fara-maroojiyay kuraasta beeshiisa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebi ahaanba la dhaafiyay kuraastii beeshiisa, ayada oo aan laga tix-gelin doorashadooda iyo go’aamada laga gaarayo.

Afarta kursi ee beelaha uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ayaa wax la tashi ah laga siin dhamaan kuraasta beelaha **** ee Galmudug, halka Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda deegaankaas laga tix-geliyay kuraastooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursiga u dambeeyay ee beelaha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh oo doorashadiisu qabsoomeyso 25-ka bishaan ayaa si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xusul oo uu wato Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Arrimahan ayaa banaanka u soo saaraya dagaalka tooska ah ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu la galay madaxweynihii hore, oo ay si weyn isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa xubno diiday inay la kulmaan Qoorqoor dabayaaqadii sanadkii dhamaaday, xili ay taagneyd xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysay Farmaajo iyo Rooble oo la dhinac ahaayeen mucaaridka.

Sidoo kale waxay arrintaan sii xoojinaysa dooda ah in madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn xoogan ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka.

Si kastaba, Qoorqoor ayaa kuraas dhowr ah si qaawan ugu boobay xulafada Farmaajo-Fahad, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhalatay xiisado xoogan, hase yeeshe ugu dambeyntii loo meel-mariyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this