Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimkii ugu horeeyay oo xil sare loogu magacaabay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslimkii ugu horeeyay oo xil sare loogu magacaabay Israa’iil

khaalid.jpg

Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee dalka Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

In ka badan 20% muwaadiniinta Israa’iil waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqotay Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

Kabub oo Markeedi hore garsoore ka aheyd maxkamadda degmada Tel Aviv, ayaa waxay ka mid noqotay afar garsoore oo cusub oo ay magacaabeen guddi ka kooban garsoorayaal katirsanmaxkamadda sare, wasiirro, sharci-yaqaanno iyo qareenno,

Maxkamadda Sare ee Israa’iil waxay si joogto ah u dhegaysataa kiisas taabanaya meelaha ay isku hayaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xadgudubyada lagu eedeeyay ciidammada Israel ee joogaa Daanta Galbeed ee la haysto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this