Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Ma Khilaaf Ayaa Ka Dhex Jira Xisbiga KULMIYE?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warar jawi hoose ku duullaya ayaa sheegaya in uu khilaaf ka dhex jiro madaxda iyo mas’uuliyiinta xisbi xaakim KULMIYE iyada oo la sheegayo inay koox koox u kala socdaan, kuwaas la sheegay inay dhawaan isku waajihi doonaan masraxa siyaasadda.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Hargeysa ku yeesheen shirar duceedyo kala duwan mas’uuliyiin ka wada tirsan xisbiga KULMIYE laakiin kala aragti duwan oo qaarkood xilal ka hayaan xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa waxa ay saadaalinayaan in qarax siyaasi ahi uu ku soo waajahan xisbiga KULMIYE kaas oo sababi doona inay garabyo u kala qaybsami doonaan, dhawaana la arki doono sida la saadaalinayo.

Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this