Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuum-askar.jpg?resize=1000%2C776&ssl=

Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku geeriyooday waddanka Hindiya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamanka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay geerida xildhibaanka, waxaana tacsi looga tacsiyeeyay guud ahaan dowladda iyo shacabka Puntland, gaar ahaanna Qoyska marxuumka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Askar, oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa dalkaas Hindiya.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this