Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka oo diiday doorashadii Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20220221-175738.jpg?resize=

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in ay horay u joojiyeen doorashada 3 kursi oo ka mid yahay kursigii shalay loo dooray Fahad Yaasiin.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa tilmaamay in ay horay u joojiyeen kuraasta Hop#154, Hop#103 iyo Hop#086, kuwaas oo uu sheegay in habraacoodu khaldamay, inta la saxayana ay sidooda ahaanayaan.

Dhanka kale Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in ay gacanta guddiga dib ugu soo mlnoqdeen barahoodii bulshada oo horay u sheegeen in lagala wareegay.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogan, kaas oo sababay in ay ka soo baxaan go’aano iyo warar is khilaafsan

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka oo diiday doorashadii Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this