Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Soomaaliya Oo Diiday Natiijada Doorashada Kursiga Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee heer federal ayaa ku gacan saydhay natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo shalay uu kusoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal ay guddiga ay soo saareen xalay ayey ku shaaciyeen natiijada horudhaca ah ee doorashada 5 ka mid ah kuraastii shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee deegaan doorashada 2-aad ee HirShabelle, ayaga oo ka reebay kursigii 6-aad ee HOP#086.

Qoraalka guddiga ayaa u dhignaa sida tan:

“DOORASHADA 5 KURSI EE BELEDWEYNE

Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada 5-tii kursi ee maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee deegaan Doorashada 2aad ee Hirshabelle, waxaa ku soo baxay:

1-HOP#015 Xiis Xasan Aadan

2-HOP#008 Maxamed Deeq X.Cumar

3-HOP#274 Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux)

4-HOP#109 Cabdifataax Qaasim Maxamuud

5-HOP#074 Cabdikariim Cumar Xuseen

F.G: Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray.”

Maamulka HirShabelle ayaa horey ugu gacan sayray qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federal, oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, kadibna shalay qabtay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this