Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha TPLF oo ku dhawaaqay arrimo uga sii daraya xaaladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael ayaa sheegay in aan wax tanaasul ah laga samayn doonin shanta qodob ee aasaasiga ah ee shacabka Tigray-ga oo aan lagala xaajoon doonin geedi socodka nabada ee socda.

War-saxaafadeed uu soo saaray sanadguurada 47-aad ee halgankii hubaysnaa ee kooxda TPLF ayuu ku sheegay in wadahadalo ay kula jiraan xukuumada, balse ay jiraan arimo aan gorgortan laga gali karin.

Wuxuu xusay shan arrimood oo uu ku sheegay inay yihiin su’aalo asaasi ah oo ay qabaan dadka Tigrayga.

“Marka hore, wax tanaasul ah ka yeeli mayno ciidankeenna. Wuxuu kaloo sheegay in aan laga hadli doonin arrinta xuduudka Eritrea, ka bixitaanka ciidamada Eritrea ee Tigrayga, xaqa ay dadka Tigrayga u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo la xisaabtanka shaqsiyaadka u gefay shacabka Tigrayga.

Waxa uu intaa ku daray in shantan qodob ay yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee wada xaajoodka socda, “Arrinta wax-siinta iyo qaadashada halkan kuma shaqeyso.” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inay wadaan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dagaalkaasi oo siyaabo kala duwan loo adeegsanayo.

Dhanka kale Ururka Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in ergada Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kaalintooda ka qaadanayaan wadahadalada socda.

The post Hoggaamiyaha TPLF oo ku dhawaaqay arrimo uga sii daraya xaaladda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this