Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo aan lagu casuumin shirkii Midowga Yurub iyo Afrika + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lagu casuumin shirka Midowga Yurub iyo Afrika ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Midowga Yurub ayaa magaaladda Brussels kusoo dhaweeyay in ka badan 40 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah si uu usoo ceshto saamayntiisa gobolka oo hadda ay ku xoogan yihiin Shiinaha iyo Ruushka oo samaynaya maalgashi xoog leh ku yeeshay qaaradda

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta aan madaxweyne Farmaajo loogu casuumin shirka Midowga Yurub iyo Afrika ayaa lagu sheegay inay tahay inuu dhammaaday waqtigii uu dastuurka u ogolaanayey inuu madaxweyne kasii ahaado Soomaaliya.

Sidoo kale, arrintaan ayaa loo sababeeyey inay tahay siyaasada murugsan ee gudaha Soomaaliya ka taagan, taasi oo uu sababteeda ugu weyn leeyahay madaxweyne Faramaajo oo dalka gaarsiin waayey doorasho.

Mareykanka ayaa dhowaan sheegay inuu xayiraad Visa saaray madaxda Soomaalida qaarkood. Inkasta oo aan la shaacin magacyada, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu ku jiro Farmaajo. 

Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho waqtigii loogu talagalay, wuxuuna mar isku dayey inuu sameysto muddo kordhin 2 sano ah, taasi oo uu kala kulmay dhaleeceynta xulafada reer galbeedka iyo daneeyayaasha gudaha ee Soomaaliya.

Isku daygii uu Farmaajo ku doonayey inuu muddo kordhin ku sameysto ayaa waxay sababtay inay caasimadda Soomaaliya marti geliso dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan midowga musharixiinta oo ka hor yimid muddo kordhinta.

Midowga Yurub ayaa balanqaaday in uu dalalka Afrika siin doono taageero xooggan si loo xoojiyo caafimaadka, waxbarashada iyo xasilloonida Afrika, wuxuuna ballan-qaadayaa kala bar maal-gashi cusub oo dhan 300 bilyan oo Yuuro ($ 340.9bn) oo la bilaabay si loola tartamo Hindisaha Belt iyo Road ee Shiinaha.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin sababta uu Farmaajo uga baaqday shirkaas, waxaana shirkaas Soomaaliya uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali. 

The post Xog: Farmaajo oo aan lagu casuumin shirkii Midowga Yurub iyo Afrika + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this