Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan shimbirta qofkii dila uu xabsi daa’in mudanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog ku saabsan shimbirta qofkii dila uu xabsi daa’in mudanayo

Dalka Uganda ayaa shaaciyay in qofka dila shimbirta dalkaasi u ah astaanta qaran uu mutaysan doono xabsi da’in.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ganaax lacageed oo dhan 20 bilyan oo lacagta Uganda ah una dhiganta $5.7 milyan oo doolar la saari doono kuwa lagu helo dambigaas.

Shimbirtan ayaa aad looga jecel yahay dalka Uganda waxaana lagu sawiray calanka dalkaas.

Guddoomiyaha Duur-joogta Uganda George Owoyesigire, ayaa sheegay in shimbirtan ay hadda halis ku jirto maadama uu burbur ku yimid deegaankii ay ku noolaayeen.

Waxaa dalka Uganda ku hadhay ilaa 8,000 oo ah nooca shimbirtan halka sanadkii 1989-dii ay dalkaasi ku noolaayeen ku dhawaad 35,000 , sida ay sheegtay wasaaraddu.

The crested crane is Uganda’s national bird, a mostly grey bird with white, red, and black. The crane’s most prominent feature is the golden crown of feathers on its head. It's indeed a national treasure.#VisitUganda#LetsBuildUG pic.twitter.com/EAYhYEXQqf

— SupaGyal💃 (@AnnmarieKituyi) February 18, 2022

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this